Dagaal Sababay dhimasho iyo dhawac oo ka dhacay duleedka Magaalada Gaalkacyo

Dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad xoola dhaqata ah ee ka soo la jeeda Puntland iyo Galmudug ayaa waxa uu ka dhacay duleedka deagaanka Xanan Buure  oo katirsan koonfurta Gobalka Mudug .

Dagaalka ayaa waxa sababay kadib markii ay is heleen labo Ciidan oo sahan  kuwaas oo  iska horyimid waxaana wararka aan ka heleeyno degaanka lagu dagaalamayo  ay sheegayaan in ay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay.

Gudoomiyaha degmada Jariiban ee gobalka mudug  Maxamed Yuusuf ayaa Radio Gaalkacayo u xaqiijiyay dhimashada 3 Ruux oo ka soo kala jeeda dhinacyada dagaalka uu dhaxmaray

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply