Sawirro:- Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya oo tagay Degaanka Balli-doogle

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa tagay Degaanka Balli-doogle oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa markii uu tagay halkaas wuxuu kulan la yeeshay Taliyaasha iyo Ciidamadda Xoogga Dalka ee ku sugan xeradaas.

Ra’isal Wasaaraha oo khudbad u jeediyay Ciidamada ku sugan Degaanka Balli-doogle ayaa sheegay in Ciidamada uu salaan uga sido Madaxweynaha Soomaaliya, dhowaana Madaxweynaha uu soo booqan doono.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa u sheegay ciidamada in looga fadhiyo sidii ay u lawareegi lahayeen  amaanka guud ee dalkeena Soomaliya maadaama haatan ay qeyb kayihiin sugida amniga ciidamo shisheeye.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply