Dhagayso:-Xoolaha Miyiga gobolka Mudug oo Xanuuno lagu arkay iyo Baaq loo diray dawlada Puntland.

Gaalkacyo ( Radio Gaalkacyo ):-Deegaanka Raydable oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa waxaa isugu soo guuray dadkii reer guuraaga ahaa ee degmooyinka Jariiban iyo Towfiiq ee gobolka Mudug.

Xoolaha ay wataan dadkaasi intii ka hartay abaartii dheerayd ayaa waxaa soo wajahay cuduro ay kamid tahay Furuq, Sanbab iyo Canbaar taas oo xoolaha saamayn wayn ku yeelatay.

Yaasin Warsame Xaashi Gudoomiyaha deegaanka Raydable ayaa radio Gaalkacyo waraysi uu siyey wuxuu sheegay inay xoolahaasi u baahan yihiin dhaqaatir daawaysa.

Hoos ka Dhagayso Codka

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply