DHAGAYSO:- Faah Faahino laxiriira Qarixii ka dhacay magaalada Boosaaso

Taliska qeybta Booliiska gobolka Bari ayaa waxay kahadleen Qarax ismiidaain ah oo caawa ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, iyadoona uu qaraxa dhacay salaada Maqrib kadib.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyay nin ismiidaamiyay isagona labeegsaday Barkantarool oo ay gaadiidka ku baareyeen ciidamada amaanka Bosaaso sida uu warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha qeybta booliiska gobolka Bari.

Taliye C/xakiin Xuseen Yuusuf Ayaa sheegay in dhimashada 5 Qof oo 3 Shacab Tahay, 1 Askari iyo Ninki Ismiidaamiyay, Waxeyna Tirada Guud isku noqonaysaa 5 Ruux.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply