Dhagayso:- Waxgaradka Puntland iyo Galmudug oo u fadhiya dhamaynta Dagaalo ka dhacay Gobolka Mudug.

Gaalkacyo ( Radio Gaalkacyo ):-Waxgradka labada dhan ee Puntland iyo Galmudug ayaa wadda dadaalo lagu soo Afjarayo Colaadaha kasoo cusboonaaday gobolka Mudug.

Magaalada Gaalkacyo ayaa shalay waxaa ka dhacay Shir ay isugu yimaadeen waxgaradka Puntland iyo Galmudug kaas oo looga tashanayey sidii looga gudbi lahaa colaadaha gobolka kusoo noq noqonayey.

Suldaan C/naasir Jaamac Seed oo kamid ah waxgaradka gobolka Mudug ee Galmudug oo Radio Gaalkacyo la hadlay ayaa sheegay inay wacyigalin badan ka wadaan miyiga gobolka iyo sidoo kale deegaanada ay kasoo cuboonaadeen Dagaalada.

Suldaanka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay deegaanka Teerare ee gobolka Mudug inuu maanta ka socdo shir kale oo lagu wacyigalinayo Bulshada oo ay si wada jir ah u wadaan Waxgaradka iyo Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Hoos ka dhagayso Codka

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply