Dhagayso:-Shacabka Gaalkacyo oo ka soo horjeestay Xilkaqaadistii Taliyihii Hore ee Qeebta Booliska Gobalka Mudug(Dhageyso)

Gaalkacyo ( Radio Gaalkacyo ):-Xili dhawaan xil kaqaadis lagu sameeyay Taliyihii hore ee Qeebta Booliska Gobalka Mudug Cusmaan xasan Cuuke (Afdalow) uuna xilka qaadistaasi ku sameeyay Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jaralan C/qaadir Shire Faarax (Ereg).

Xilkaqaasdistaasi lagu sameeyay Taliyihii hore ee Qeebta Booliska Gobalka Mudug Cusmaan xasan Cuuke (Afdalow) ayaa waxa ka soo horjeestay Shacabka magalada Gaalkacyo oo kaqeeb galay Baranaamijka Ra;yiga Dadweynaha ee Radio Gaalkacyo Puntland Soomaaliya.

Shaqabka magalada ayaa ku amaantay Taliyihii Hore ee Qeebta Booliska Gobalka Mudug Mudadii Gaabnee uu Xilka Hayay misana shaqo badan qabtay.

Ugu dambeentii shacabka magalada Gaalkacyo ayaa Fariin udiray Madaxweynaha Dowlada Puntland ay kaga dalbanayaa in shaqadiisa lagu soo Celiyo Taliyihii Hore ee Qeebta Booliska Gobalka Mudug Cusmaan Xasan Cuuke (Afdalow)

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply