Wararkii ugu dambeeyay ee shirka London

London (Radio Gaalkacyo):- Waxaa maanta oo ah 11 bisha May lagu wadaa in magaalada London ee caasimada dalka England inuu ka furmo shirweyne looga hadlayo arimaha Soomaaliya.

Shirweynahan ka furmaya maanta London waxaa soo qaban qaabisay Dawladda England waxaana looga hadlayaa arimaha dalka Soomaaliya, waxaana shirka ka qeybgalaya Hoggaamiyaasha Soomaalida, Qurbo Joog, Ururo Bulsho iyo Dawladdaha daneeya ama taageera Soomaalida.

Wararku waxay sheegayaan in shirkani la filayo inay ka soo baxaan arimo muhiim u ah Dawladnimada Soomaaliya waxaana sida la xaqiijiyay shir gudoon noqon doona Raysalwasaaraha England iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Lasoco wararka shirka iyo warbixinada dambe ee aan kasoo qori doono ee kasoo kordha.

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply