Madaxweynaha Mareykanka oo shaqada ka eryay Agaasimihii Hay’adda FBI

Washington (Radio Gaalkacyo):- Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa xalay shaqada ka eryay James Comey oo ahaa Agaasimihii Hay’adda Laanta Dambibaarista ee FBI-da dalkaasi Mareykanka.

Mr. Trump Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in James Comey uusan awood u lahayn inuu hoggaamiyo Hay’adda Dambibaarista dalkaasi Mareykanka ee FBI-da.

Waraaq kasoo baxday Garyaqaanka Guud ee wadanka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Agaasimihii Hay’adda FBI James Comey inuu noqday shakhsi sharciga gacmihiisa ku wata, taasi oo ahayd dhaliisha ay u jeediyeen.

James Comey ayaa ku sugnaa magaalada Calafornia marka uu Madaxweyne Trump ka qaaday xilkii, waxaana Agaasimaha xilka laga qaaday uusan weli ka hadlin amarka Madaxweyne Trump ee shaqada looga eryay.

Agaasimihii Hay’adda Dambibaarista FBI James Comey ayaa baaritaan ku hayay doorka Ruushka uu ku lahaa ololihii doorashada Madaxweyne Trump arintaasi oo dad badan oo Amerikan ah ay tuhunsan yihiin inay soo dedejisay xilka laga qaaday Agaasimaha.

James Comey waxaa xilka Agaasimaha Hay’adda FBI u magacaabay Madaxweynihii hore ee wadanka Mareykanka Brack Obama muddo hadda laga joogo afar sano

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply