Amisom oo war kasoo saartay amar kasoo baxay Gudoomiyaha gobolka Banaadir

Gaadiidka ay isticmaalaan ciidamada Amisom ayaa waxaa dhowaan laga mamnuucay wada Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho kadib markii uu amarkaas soo saaray gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Joe Kibet afhayeenka ciidamada Amisom ayaa waxa uu kahadlay arintaas isagoona sheegay in aysan aqbali doonin amarkaas kasoo baxay gudoomiyaha gobolka Banaadir maadaama ilaa hada aysan jirin warqad sitoos ah iyaga loogu gudbiyay ayna ku arkeen oo kaliya baraha bulshada kuwada xiriirto.

”Anaga wax warqad ah nama soo gaarin, waxaa ku aragnay oo kaliya baraha bulshada, wax aan ku aragnay Twitter-ka ma qaadan karno”ayuu yiri Afhayeenka AMISOm Joe Kibet.

Waxaa uu sheegay in hadii warqad uu soo gaarsiiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay noqoneyso mid Taliska oo dhan ay ka shiraan go’aan ka gaaraan.

“Illaa iyo hada Taliyaha AMISOM warqad gacanta loo geliyay ma jirto, hadii ay na soo gaartana Taliska oo dhan ayaa ka shiraya, go’aan ayaa ka soo saari doonaa”ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.

Madaxda dalka ayaa haatan inta badan lagu dhaliilaa in ay wax walba ay ku shaaciyaan baraha bulshada kahor inta aysan gaarsiin cidii ay sida tooska ah ugu socotay.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply