Siyaasi Maxamuud Jaamac Sifir oo ku geeriyooday Dalka Mareykanka

New York (Radio Gaalkacyo):- Allaha unaxariistee waxaa magaalada New York ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Siyaasiga Maxamuud Jaamac Sifir.

Marxuumka ayaa u geeriyooday xanuun labadii sano ee u dambeysay hayay, waxaana dhimashadiisa warbaahinta u xaqiijiyay qaar kamid ah eheladiisa oo warbaahinta la hadlay.

Sifir wuxuu shalay oo Jimce ahayd uu ku geeriyooday magaalada New York ee dalka Mareykanka isagoona ku geeriyooday da’da 77 sano jir.

Maxamuud Jaamac Sifir ayaa ahaa aqoonyahan iyo siyaasi xilal kala duwan kasoo qabtay meelo kala duwan sida Qaramada Midoobay iyo Dawladihii kumeelgaarka dalka soo maray oo uu kasoo noqday Raysalwasaare xigeen iyo Wasiir.

Qaar ka mid ah dadkii ay soo wada shaqeeyeen Maxamuud Jaamac Sifir ayaa waxay sheegeen in Marxuumku ahaa qof qiima badan oo aha wadani dalkiisa jecel.

Maanta ayaa lagu wadaa in Siyaasi Maxamuud Jaamac Sifir in lagu aaso magaalo hoos tagta Gobolka New York ee dalkaasi Mareykanka.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply