Madaxwaynaha Puntland oo Gaalkacyo ka duulay iyo Mashaariic uu ka dhagax dhigay Gaalkacyo

Gaalkacyo ( Radio Gaalkacyo ):-C/wali Maxamed Cali Gaas madaxwaynaha dawlada Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo saaka dhagax dhigay 5 Xarumood kuwaas oo dhamaan noqonaya xarumaha loogu adeego shacabka.

Madaxwaynaha Puntland ayaa goobtii dhagax dhiga wuxuu ka sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo dawlada Turkiga oo dhamaan dhisaysa xarumahaasi inay sida ugu dhaqsaha badan u dadajiso dhismahooda ayna waxbadan ka tarayo gobolka Mudug.

Xarumaha Madaxwayne Gaas ka dhagax dhigay Gaalkacyo waxaay kala yihiin Xarunta degmada Gaalkacyo dan gobolka Mudug,Isbitaalka Digfeer 2 Soomaaliya iyo dusiga Farsamada Gacanta oo dhawaan wafdi ka yimid Muqdisho ay kormeer ku mareen.

Dhagax dhigaasi kadib ayuu C/wali Maxamed Cali Gaas u duulay Dalka Uk Halkaas oo uga qayb gali doono Shirka London ee looga hadlayo arimaha Amaanka Soomaaliya oo ay ka qayb galayaan madaxda maamul goboleedyada dalka.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply