Hay’addaha Qaramada Midoobay oo sheegay inaysan ka shaqeyn karin Wadanka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika

Hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka hawlgala Wadanka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika waxay hoos u dhigeen shaqadii samafalka ee ay ka wadeen gudaha dalkaasi.

Saraakiil u hadlay Qaramada Midoobay waxay sheegeen in weeraro joogta ah lagu qaaday shaqaalaha samafalka ah ee hawlaha bini’aadanimo u joogay dalkaasi.

Tan iyo bishii Janaayo ee sanadkan ayay Saraakiishu sheegeen in la weeraray xarumaha samafalka Qaramada Midoobay ee wadanka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Weeraradaas lala beegsaday hay’adaha samafalka waxay sababeen in Qaramada Midoobay hoos u dhigto shaqadii samafal ee dalkaasi ay ka wadeen waxaana xusid mudan in wadankaasi ay joogaan in ka badan laba milyan oo ruux oo u baahan gargaar bini’aadanimo.

Dalka Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika ayaa waxaa ka jira colaad soo socotay muddo colaadaasi oo u dhaxeysa dad kasoo kala jeeda Muslimiinta iyo Kiristaanka.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply