Dhagayso:- Dad Xanuunka Shuban Biyoodka  ugu Geeriyooday Deegaanka Bilcilka 

Gaalkacyo ( Radio Gaalkacyo ):-  Degaanka Bilcilka oo hoosyimadaa Degmada Xarfo ee Gobalka Mudug waxaa ka dilaacay Xanunka Shuban biyoodka waxaana ilaa iyo Hada Xanuunkaasi u geeriyooday labo Qof.

 

 
Gudoomiyaha Degaanka Bilcilka Barre Jaamac Muuse oo la hadlay Radio Gaalkacayo ayaa waxaa uu sheegay in Xanuunkan todobaadkii hore uu ka dilaacay deegaan Dadka uu soo ritay ay kor u dhafayaan 20 qof halka labo qof oo mid kamid ah uu dhalayna ay u geeriyoodeen Xanuunka Shuban Biyoodka .

 

 
Gudoomiyaha Bicilka Barre Jamaaca ayaa waxa uu codsi ku aada in baaris lagu sameeyo Xanuunkaan shuban iyo waxa sababay waxa uu u diray Wasaarada Caafimadaaka Dowlada Puntland.

Hoo ka Dhagayso Wareeysi

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply