Alshabaab oo gawracday laba ka mid ah Askarta Dawladda Federaalka Soomaaliya

Jowhar (Radio Gaalkacyo):- Ururka Alshabaab ayaa gawracay laba kamid ah ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya oo at kala soo degeen gaari rakaab ah oo ay saarnaayeen.

Labada Askari ee la gawracay waxay ka tirsanaayeen ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo fariisin ku leh deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sida wararku sheegayaan labada askari ayaa gaari rakaab ah soo raacay iyagoo ku wajahnaa qoysaskooda oo deggan Degmada Jawhar balse markii uu gaarigu marayay duleedka Degmada Jowhar ayaa lagala dagay labada askari waxaana la degay ururka Alshabaab iyagoona ugu dambeyntii gawracay.

Arintani ayaa waxaa cambaareeyay saraakiisha Taliska 30-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya waxayna sheegeen in ay dagaal adag la geli doonaan oo ay gobolka ka sifeyn doonaan Ururka Alshabaab.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply