Xildhibaan Jeesow oo ku baaqay in Guddi baara loo xilsaaro dilka Wasiirkii Hawlaha Guud

Muqdisho (Radio Gaalkacyo):- Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ka hadlay dilkii xalay magaalada Muqdisho loogu geystay Marxuum Cabaas Sheekh Siraaji oo ahaa Wasiirkii Hawlaha Guud ee Soomaaliya.

Mudane Jeesow ayaa soo jeediyay in la qabto Guddi si dhab ah usoo baara sababta ka dambeysa dilka loo geystay Wasiirkii Hawlaha Guud ee Soomaaliya.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay inaanan loo baahnayn deg deg iyo cabsi farabadan oo askarta lagu abuuro balse loo baahan yahay in wax walba laga taxadaro oo laga fiirsado iyadoo weliba la dadaalayo oo ammaankana la xoojinayo.

Hadalka Xildhibaan Jeesow ayaa imanaya xilli xalay fiidkii magaalada Muqdisho lagu dilay Wasiirkii Hawlaha Guud ee Soomaaliya kaasi oo u dhintay rasaas ay ku fureen ciidamo la socday Hantidhawraha Qaranka Soomaaliya.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply