Madaxweyne Farmaajo oo safarkiisii soo gabagabeynaya si uu uga qeybgalo aaska Wasiirkii Hawlaha Guud ee Soomaaliya

Adis Ababa (Radio Gaalkacyo):- Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gabagabeynaya safarkiisii uu ku joogay Magaalada Adis Ababa ee Dalka Ethiopia si uu uga qeybgalo aaska maanta loogu sameynayo Magaalada Muqdisho Wasiirkii Hawlaha Guud ee Soomaaaliya oo xalay ciidamo ka tirsan dawladda Soomaaliya ay ku dileen magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay fiidkii bartiisa Twitterka waxaa uu soo dhigay hadal uu kaga tacsiyeynayo geerida ku timid Wasiirkii Hawlaha Guud ee Soomaaliya Cabaas Sheekh Siraaji wuxuuna muujiyay inuu ka xun yahay dilkaasi.

Mudane Farmaajo ayaa saacadaha soo socda kasoo duulaya Ethiopia isagoona kusoo wajahan magaalada Muqdisho si uu maanta uga qeybgalo aaska Qaran ee loo sameynayo Wasiirkii Hawlaha Guud ee Soomaaliya Marxuum Cabaas Sheekh Siraaji.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply