Dhagayso:-Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo Deegaano hoosyimaada Buuhoodle Gaarsiiyay Raashin iyo Daawooyin

(Radio Gaalkacyo):-  Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland Eng C/Xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyo Wafdi uu hogaaminayo oo is kugu jira xildhibaano iyo Wasiiro ayaa socdaal u kuurgalid ah waxa uu ku marayaa Degaano kamid ah Gobalka Cayn.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland ayaa waxa uu gaaray Degaanka Dandan oo  kamid ah Degaanada Hoosyimaada Degmada Buuhoodle ee Gobalka Cayn.

Degaanka Dandan ayaa waxa uu ka mid yahay Degaanadii  uu ka dilaacay Xanuunka Shubanbiyoodka waxaana Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Puntland uu gaarsiiyay Deeq raashin iyo daawo  ah oo dowlada puntland ay ugu talagashay shacabka kunool Gobalka Cayn.

Madaxweynaha Ku xigeenka Puntland Eng Camey  ayaa waxa uu  balanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha Badan Degaanka Dandan looga hirgalin doono dhamaan adeegyada Bukshada  gaar ahaan Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Hoos ka Dhagayso Codka 

 

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply