Dhagayso:- Ciidamada PSF Puntaland oo Magaalada Boosaaso ku soo gaba gabeeyay Mashruucii dhiraynta Wadooyinka  

(Radio Gaalkacyo):-   Ciidamada  Xooga  puntland gaar ahaan Ciidamada PSF  Puntland ayaa waxa ay dhirayn ka bilaabeen qaar  ka mid ah wadooyinka halboowlaha u ah Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Dowlada Puntland.

Ciidamada Xooga Puntland ee Marka Magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano PSF ta ayaa  waxa ay Mashruuca dhiranta  Wadooyinka Magaalada Boosaaso ay ka bilaabeen wada isku xirata Jaamacada Bariga afrika iyo wada dheer ee laamiga ah taas oo dhaxmarta  Magaalada Bosaaso.

Korneel Cabdilqaadir Axmed Cabdi Maxamed Giijaale oo kamid ah Saraakiisha Sar sare ee Ciidamada Xooga Puntland  ayaa sheegay in hada la soo Gabagabeeyay Mashruucii lagu dhiraynta  qaar kamid ah wadooyinka Magaalada Boosaso

Sidoo kale Korneel Cabdilqaadir Axmed ayaa waxa uu ka hadlay waxa sababay in Ciidamada ay dhirayn ku sameeyaan qaar kamid ah Wadooyinka Magaalada Boosaaso iyo Baahida xiligaan Keentay.

Ciidamada Xooga Puntland ee PSF ta ayaa waxa ay ka qayb qaataan hormarinta Magaalooyinka iyo Cawaainta Dadka Tabaaleesan ee kunool Degaanada Puntland waxaana lagu Xasuustaa Doorkii  ay ku lahaayeen Gurmadka abaaraha Puntland

Hoos ka Dhagayso Codka 

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply