Wasiir ka tirsan Dawladda Soomaaliya oo caawa Muqdisho lagu dilay

Muqdisho (Radio Gaalkacyo):- Waxaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya goor dhoweyd oo caawa ah lagu dilay Wasiirki Hawlaha Guud ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Marxuum Cabbaas Siraaji.

Wasiirka ayaa waxaa la xaqiijiyay inay dileen ciidamo ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya xilli uu la socday gaarigiisa, wuxuuna Wasiirku u geeriyooday rasaas ay gaarigiisa ku fureen ciidamada dawladda.

Ciidanka geystay dilka Wasiirka ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen ilaalada Hantidhawraha Qaranka, waxayna gaariga Wasiirka ku fureen rasaas iyagoo sheegay in ay gaariga ka shakiyeen.

Wasiirka geeriyooday ayaa ahaa Wasiirkii ugu da’da yaraa Xukuumada Raysalwasaare Kheyre, waxaana caawa uu Wasiirku u geeriyooday rasaas ay ku fureen ciidamada Dawladda Soomaaliya.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply