Wadahadal khadka telfoonka ku dhexmaray Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka

Madaxweynaha Dawladda Mareykanka Donald Trump ayaa khadka telfoonka kula hadlay Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin.

Labada Madaxweyne ayaa waxay ka wada hadleen arimo muhiim ah oo ay ka mid tahay xaalada dalka Syria iyo arimaha Waqooyiga Kuuriya.

Ka hadalka Arinta Syria ayaa labada hoggaamiye ay aad ugu dheeraadeen waxayna isla qaadaa dhigeen sidii xal nabadeed loogu heli lahaa dalka Syria.

Sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegay wadahadalkii khadka telfoonka ku dhexmaray labada Madaxweyne in laga gaaray is afgarad buuxa oo khuseeya qodobadii la isla soo qaaday dhammaantood.

Wadahadalka dhexmaray Hoggaamiyaasha Mareykanka iyo Ruushka ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ay yeeshaan tan iyo markii Maraykanku weeraray Saldhig Milatari oo ay leedahay Dawladda Syria, weerarkaasi oo ahaa mid ay si weyn uga carootay Dawladda Ruushka.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply