Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Oo U Hambalyeeyay Madaxweynaha La Doortay Ee Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Oo Maanta Lagu doortay Magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah maamulka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa sheegay doorashada ka dhacday Magaalada Cadaado in ay tahay mid Taariikhi ah oo horumar u ah reer Galmudug,waxaana uu xusay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo helida Xasilooni siyaasadeed, waxaana uu u rajeeyay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf in ilaah u fududeeyo xilka culus ee loo doortay.

“Doorashadda dhacday maanta ee lagu doortay Madaxweynaha, waxay caddeyn u tahay sida Soomaaliya u dhaqaaqday iyo horumarka la gaaray iyo sidoo kale sida shacabka Soomaaliyeed ugu bisil-yihiin ka qeyb-galka dowladnimada, Waxaan Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf u rajeynayaa in uu Alle la garab galo gudashada waajibka loo igmaday” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug, sida wanaagsan ee uu ugu guuleysteen qabashada doorashada madaxtinimada ee Galmudug.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ugu baaqay guud ahaan maamulka Galmudug gaar ahaan Madaxweynaha la doortay in uu u guntado sidii loogu guuleysan lahaa wadahadalada Ahlusuna Waljamaaca si xal siyaasadeed looga gaaro maamulkani uu u noqdo mid guud ahaan Deegaanka Galmudug gaarsiiya adeegyada iyo maamulka dowliga ah.

Ugu dambentii Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Hirshabeelle si buuxda ula shaqeyn doonta maamulka Galmudug horeyna wada shaqeyn ay u lahaayeen isaga oo ku booriyey dhammaan shacabka Hirshabelle iyo maamul gobolleedyadda dalka ka jira inay la shaqeeyaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

–Dhammaad–

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply