Galmudug oo loodoortay Madaxwayne Cusub.

Cadaado ( Radio Gaalkacyo ):-Madaxwaynaha Maamulka Galmudug ayaa maanta doorashadii ka dhacday magaalada Cadaado loogu doortay Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweynaha Cusub ee  Galmudug  Khudbad uu ka hor jeediyey Masuuliyiintii ka qayb galay Doorashadiisa wuxuu sheegay inuu ku faraxsanyahay doorashada sida xalaasha ah loogu doortay uguna soo baxay isaga.

Wuxuu mahad celin u jeediyey Xubnaha Baarlamanka ee doortay iyo kuwa aan dooran wuxuuna sidoo kale u mahad celiyey Masuuliyiinta dawlada federalka Soomaaliya ee jooga Xarunta Doorashada.

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply