Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ka Tacsiyaysay geerida Wasiirkii Hawlaha guud ee Dowlada Soomaaliya

Kismaayo, Jubbaland (3 May, 2017)- Madaxweynaha Dwolada Gobaleedka Jubbaland  ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo dhamaan Xubnaha Golayaasha Dowladu waxay Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan qaraabadiisa iyo Asxaabtiisa ay la wadaagayaan tiiraanyada geerida ku timid Allah ha u Naxariistee Wasiirkii Hawlaha guud ee Dowlada Soomaaliya  Cabaas Siraaje ahaana Xildhibaan Qaran oo laga soo doortay Jubbaland.

Jubbaland waxay ku boorinaysaa dhamaan Laamaha kala duwan ee Dowlada Soomaaliya in baaritaan baahsan lagu sameeyo qaabka ay wax u dheceen.
Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply