DHAGEYSO:- Howlaha culus ee horyaala Madaxweynaha cusub ee Galmudug

Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa waxay ay maanta doorteen Madaxweynaha Maamulkaas oo ay u doorteen Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyadoona ay horyaalaan howlo badan oo ku’aadan Siiyaasada gobolada dhexe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa  ayaa waxa uu ka warbixiyay howlaha culus ee horyaala Madaxweynaha maamulka Galmudug isagoona tilmaamay in  laga rabo inuu si deg deg ah wax uga qabto laba arrin oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwa ugu horeeyo ee madaxwyenaha looga Fadhiyo.

Midda koowaad ayuu juxa ku sheegay in Xaaf laga doonayo sidii uu Ahlu Sunna ugu soo dari lahaa Maamulka Galmudug isla markaasna uu sii dhameystiro wadahadaladii u socday labada dhinac.

Wasiirka arimaha Gudaha dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa sheegay in madaxda dowlada federaalka ay qeybtooda ka qaadan doonaan sidii loo heshiisiin lahaa Galmudug iyo Ahlusunah.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply