Dhagayso:-Madaxweynaha Puntland oo Kulan Layeeshay Isimada, Nabadoonada iyo Waxgaradka Gobolka Mudug.

Gaalkacyo ( Radio Gaalkacyo ):- Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 01 May 2017 magaalada Gaalkacayo  kulan muhiima kula yeeshay maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo,  Isimada, nabadoonada iyo waxgaradka gobolkaasi.

Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinaayey masuuliyiinka tirsan golaha wasiirada dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland, Saraakiisha ciidamadda gobolka Mudug, nabadoonada iyo waxgaradka gobolkaasi, urrurada haweenka iyo kuwa dhalinyarada.

Hoos ka dhagayso Khudbadii oo dhamaystiran.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply