Dhagayso:- Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland oo hambalyo u diray dhamaan shaqaalaha Dowlada Puntland

Gaalkacyo ( Radio Gaalkacyo ):-   1 da  May Sanad kasta waxaa la xusaa maalinta shaqaalaha aduunka waxaana maalin farsax ah la sii yaa dhamaan Shaqaalaha Aduunka si maalintaasi Qoysaskooda  ay farxada ula wadaagaan .

Wasaarada Shaqada iyo Shaqaalaha dowlada Puntland ayaa dhaaman shaqaalaha dowlada Puntland Nuucyadooda kala duwan waxa ay ku wargalisay i maanta dhamaan shaqaalaha dowlada Puntland ay yihiin fasax markii laga reebo shaqaalaha  looga maarmi waayo shaqada Balsa Fasaxooda dib laga siinayo .

Wasiirka wasaarada shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Cabdiramaana Shiikh Axmed ayaa waxa uu sheegay in wasaarada shaqaada aysan qaban doonin sidii horay looga bartay Xaflad lagu xusayo Maalinta shaqaalaha madaama xiligaan xaalada adag oo dhanka abaaraha  ay kajiraan Soomaaliya Gaara ahaan Puntland.

Hooska Dhagayso Waraysiga Wasiirka 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply