Dhagayso:-Wasaarada Cadaalada oo ku baaqday Salaad shugri maadama abaartii laga soo noqday.

Gaalkacyo ( Radio Gaalkacyo ):-Maxamed Cali Faarax agaasimaha wasarada Cadaalada Puntland ayaa sheegay inay Puntland waddo qorshe lagu hagaajinayo arimaha Sharciyada kuwaas oo dhowr shaci ay qabyo ahaayeen oo wasaaradu ay meel marisay dhawaan shacabkana la barayo.

Agaasimaha ayaa sidoo kale wuxuu shegay bisha fooda nagu soo haysa ee May in maamulka Puntland uu bilaabayo tababaro ku aadan khibrada Garsoorka iyo Maxkamadaha inay la wadagaayaan maamul goboleedyada dalka ka jira kuwaas oo ay ka bilaabayaan maamulka Jubbaland.

Dhankale Agaasimaha ayaa sheegay inay wadaan qorshe lagu meel marinayo Sharciga caruurta kaas oo horay aan uga jirin Puntland maadama aysan jirin Sharci iyo Xukun lagu qaadi karo Caruurta.

Hoos ka dhagayso Waraysiga.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply