Gaalkacyo ( Radio Gaalkacyo ):- Saraakiisha dowlada soomaaliya ee gobolka bakool oo si kuluul u beeniyey wararka sheegaya in alshabaab ay la wareegeen qaybo kamid ah gobolkaasi.
Garaar Mursal Xassan oo ka mid ah saraakiisha dowlada soomaaliya ee gobolka bakool ayaa waxaa uu sheegay inaysan jirin wax dagaal ah oo ka dhacay gobolkaasi kaas oo dhexmaray Al-Shabaab iyo Dawlada Dhexe Soomaaliya wuxuuna sidoo kale beeniyey in Al-Shabaab Gacanta ugu jirto Degmada Waajid ee goboka Bakool.
Hoos ka dhagayso waryasiga Wariye Timo
Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,