Dhagayso:-Degmada Jariiban oo inta Badan Roobsatay iyo Digniin laga soo saaray Wadooyinka Badan.

Gaalkacyo ( Radio Gaalkacyo ):-Degmada Jariiban ee gobolka Mudug oo kamid ahaa deegaanadii ugu Darnaa dhanka abaaraha ayaa inta badan uu ka da,ay Roob isagoo u kala xoog badan meelaha uu ka da,ay.

Gudoomiyaha golaha deegaanka Degmada Jariiban Ana duqa degmadaasi oo Radio Gaalkacyo Caawa la hadlay ayaa sheegay inay Caqabada ugu badan Xiligan ka taagan deegaanadaasi ay tahay Wadooyinka tirada badan ee laga samayno degmada iyo Deegaanadeeda.

Maxamed Yuusuf Shirwac ayaa soo hadal qaaday inay Abaartii dhawayd biyo dhaaminteeda ay soo badisay Wadooyinka iyo jarista Dhirta.

Hoos ka dhayso waraysiga.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply