Kadib Goolashii Messi Ee Osasuna – Maxaa Iska Badalay Kala Sareynta Gooldhalinta La Liga Ee Abaalmarinta Pichichi

Horyaalka La Liga ayaa maraya meelahii ugu xiisaha badnaa waxaana dhiman kaliya 4-kulan inkastoo kooxaha qaar ay heystaan shan kulan madama kulamo ay u baaqsadeen.

Balaugrana ayaa si sharci ah ku hogaamineysa La Liga iyadoo Madrid ay kulan baaqi ah gacanta ku heysato, balse abaalmarinta Pichichi Trophy oo ay si qaas ah ugu dagaalamaan ciyaartoyda ayaa isna u muuqda mid u dhintay Lionel Messi.

Weeraryahanka Barcelona kaas oo xalay 2-gool dhaliyay kulankii Osasuna ayaa la aaminsan yahay inuu ugu yaraan ku guuleysan karo madama uu 9-gool ka sareeyo xidiga kusoo xiga madama uu 33-gool dhaliyay.

Cristiano Ronaldo ayaa u baahan inuu dhaliyo min 3-gool shanta kulan ee kooxdiisa uga hartay La Liga sidoo kalana Messi uusan waxba dhalin afarta kulan ee uga hartay horyaalka si uu ugu guuleysto madama uu 14-gool ka hooseeyo.

LIISKA KALA SAREYNTA PICHICHI TROPHY:

Lionel Messi (Barcelona) 33-gool

Luis Alberto Suarez (Barcelona) 24-gool

Cristiano Ronaldo (Real Madrid) 19-gool

Antoine Griezmann (Atletico Madrid) 16-gool

Iago Aspas (Celta de Vigo) 16-gool.

Xigasho Laacib.net

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply