Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo suaalo weydiiyay Raysalwasaare Xasan Kheyre (Dhageyso)

Muqdisho (Radio Gaalkacyo):- Guddiyada Difaaca, arimaha gudaha iyo amniga ee Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay xalay kulan suaalo weydiin ah la yeesheen Raysalwasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Kulanka suaalaha lagu weydiinayay Raysalwasaaraha ayaa waxaa kasoo qeybgalay Kusimaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Wasiirka Gaashaandhiga, Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha Amniga.

Waxaa Raysalwasaaraha suaalo laga weydiiyay qorshaha ammaanka qaranka iyo qorshayaasha lagu tayeynayo ciidamada qaranka Soomaaliya, waxaana Raysalwasaare Kheyre uu ka wada jawaabay suaalihii ay mudanayaashu weydiiyeen.

Kulanka markii uu soo idlaaday waxaa Warbaahinta kulankaasi uga waramay Wasiirka Gaashaandhiga Dawladda Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed.

DHAGEYSO WASIIRKA GAASHAANDHIGA.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply