Deg Deg Nabadoon Caawa kooxo hubaysan ku dileen Gaalkacyo

Gaalkacyo ( Radio Gaalkacyo ):-Kooxo hubaysan ayaa caawa magaalada Gaalkacyo ku dilay Allaha u naxariistee Marxuum  Maxamuud Jaamac Diirshe oo kamid ahaa waxgaradka  gobolka Mudug.

Marxuumka ayaa sidoo kale waxaa uu kasoo jeeday degmada Jariiban ee gobolka Mudug waxaana ka tirsanaa odayaasha u istaagay Abaaraha iyo Sidoo kale Colaadaha kusoo noq noqday gobolka Mudug.

Kooxihii dilkaasi gaystay ayaa isaga baxsaday gobtaasi mana jirto cid loo qabtay.

Marxuumka ayaa dhawac ahaan loogu qaaday isbitalka balse nafta ayaa ka dhacday intii aan la gaarsiin xarunta caafimaadka.

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply