DHAGEYSO:- Ardeyda Dugsiga Puntland oo gurmad u fidiyay Dadka Abaartu saameysay

Gaalkacyo (Radio Gaalkacyo):- Ardeyda wax ka barata dugsiga hoose/dhexe iyo sare ee Puntland ayaa waxaa ay deeq raashin iyo lacag iskugu jirta u geeyeen dadka abaartu saameysay ee ku nool kaamka Danwadaag ee duleedka magaalada Gaalkacyo.

Ardeyda ayaa waxay sheegeen in ay lacagtaasi iyo raashinka ay ugu talogaleen in ay dadka walaalahood ah ku quudiyaan maadaama abaartu saameysay waxayna sheegeen ardeydu in dhaqaalahani yahay mid ay rabeen inay xaflada qalin jabintooda ku dhigtaan balse ay ku badasheen in ay walaalahooda dhibaateysan ku quudiyaan.

Waa tallaabo ku dayasho mudan oo ay sameeyeen ardeyda wax ka barata dugsiga hoose/dhexe iyo sare ee Puntland waxaana arintani soo dhoweeyay oo ka mahadnaqay Madaxda Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

DHAGEYSO 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply