DHAGEYSO: Ciidamo Booliis ah Tawabar loogu soo xiray magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniin ah tababar usoo xiray dufcadii Sadexaad ee Ciidamada Booliska Jubbaland kuwaas oo mudo Sadex bilood ah uu tababar uga socday Akadeemiyada tababarka Ciidanka Booliska Jubbaland ee Kismaayo.

Ciidankan oo la baray dhamaan casharada layliga Askari iyo dhamaan waxyabaha uu u bahan yahay Askariga Booliska ah ayaa waxaa ay tiradoodu gaaraysa 201 Askari.

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa munaasabada ka sheegay in Jubbaland ay dadaal dheer galisay dhismaha Ciidamo Boolis ah oo tayo leh sidii lagu heli lahaa maadama baahida ugu weyn ee Soomaaliya ay tahay Boolis si wanaagsan u shaqeeya.

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply