Wariye ka Badbaaday Gaari Qarax loogu xiray magaalada Muqdisho

Faah faahino ayaa waxa ay ka soo baxayaan isku day dil oo la damcay in Xalay  lagu dilo Wariye Faysal Cumar Xaashi oo ah wariye sawir qaada u ah Wakaaladda Wararka Reuters.

Qarax ayaa waxaa loogu xiray Wariyaha Gaari uu watay in kasto markii uu qarxayay Gaariga uusan Saarneen Wariye Faysal Cumar Xaashi oo la doonayay in lagu qaarajiyo .

Dad goobjoogayaal ayaa puntlandvision u sheegay in aysan jirin wax qaasaro nafeed ah uu geestay qarax gaariga loogu xiray wariyaha balsa Burbur xoogan uu soo gaaray gaariga Qarax lagu dhajiyay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa inta badan  caada ka noqtay   in gawaarida Qaraxyo loogu dhajiyo Masuuliyiinta Dowlada Wariyayaasha ka howgala Muqdisho iyo Ganacsada Qarkood kuwaas oo inta dooda Badan ay ku dhintaan in kastoo ay jiraan tira yar oo ka bad baado mararka qaar .

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply