Sawirro:Dufcadii Koowaad Ee Ka Qalinjabisay Jaamacada Addoun University Oo Shahaadooyin La Gudoonsiiyey

Caduun University ayaa ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla magaalada Gaalkacyo, waxaana dhigta arday isaga kala yimid dhamaan degmooyinka iyo deeganada gobalka Mudug.

Jaamacada Caduun oo laga helo Kulliyadaha kala ah Clinic, Communication Skills iyo Computer Science, waxaana yaalla qalab dhamaystiran oo loogu tala galay in ardayda wax lagu baro.

Arday dufcaddii koowaad ayaa maanta ka qalin-jabiyay Jaamacada Caduun (Addoun University), waxaana loo dhigay munaasabad balaaran oo shahaadooyin lagu gudoon siinayay.

Munaasabada oo aheyd mid aad loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb-galay Wasiiro, Siyaasiyiin, Isimo, Ganacsato iyo qaybaha kala duwan ee ururadaka Buslada ee ka jira Gaalkacyo.

Wasiirka wasaaradda deegaanka, duurjoogta iyo dalxiiska Puntland, Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa Shahaadooyin gudoon-siiyay ardayda ka qalin-jabisay Jaamacada Caduun.

Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), Marwo Caasho Geelle Diiriye iyo dadkii kale ee ka hadlay Munaasabada ayaa Hambalyo u diray ardayda ka qalin-jabisay Jaamacada Caduun (Addoun University).

Sikastaba ha ahaatee, Jaamacadaha ayaa ku soo badanaya magaalada Gaalkacyo, waxaana Addoun University ay ka mid tahay kuwa aadka loo qalabeeyay ee ku yaalla guud ahaan Puntland.

 

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply