Man United Oo Guul Muhiim Ah Ku Gaartay Turf Moor, Rooney & Martial Oo Shabaqa Gaaray & Jose Oo Xajistay Booska Shanaad.

Laba gool oo ay kala dhaliyeen Anthony Martial iyo Wayne Rooney ayaa go’aamiyay natiijada kulankii ka dhacay Turf Moor markaas oo ay Manchester United guul muhiim ah ka gaartay Burnley.

Red Devils ayaa xajisatay booska 5-aad ee horyaalka iyadoo leh 63-dhibcood leh, Jose Mourinho ayaana talaabo u qaaday tartanka afarta sare ee horyaalka Premier League.

Burnley ayaa si cajiib ah ku bilaabatay bilowgii ciyaarta iyadoo ka faa’ideysaneysa sawaxanka Jamaahiirteda, durbana waxey sameeyeen isku day aysan goosha ku aadin.

Wayne Rooney ayaa ku dhawaaday inuu hogaanka u dhiibo Manchester United daqiiqadii 9-aad ee ciyaarta markii uu kubad aan tabar badan aheyn ku turay goolka Burnley, Tom Heaton ayaana si fudud ugu dhagay.

Maroune Fellaini ayaa sameeyay iskud ay uu gool ugu raadinaayo kooxdiisa markii uu madaxeeyay kubad koornada bidix ka timid, balse Heaton ayaa si hal-haleel ah u qabsaday.

GOAL! Anthony Martial ayaa hogaanka u dhiibay Manchester United daqiiqadii 21-aad ee ciyaarta markii uu lugta bidix ku dhameystiray baas ka yimid Ander Herrera, isaga ayana kubadda markii hore meel dheer kasoo abuuray.

GOAL! Wayne Rooney ayaa hogaanka u dheereyay Manchester United daqiiqadii 39-aad ee ciyaarta markii uu si lama filaan ah uga faa’ideystay kubad uu goolhaye Heaton ka badbaadiyay Anthony Martial.

Qeybta hore ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 0-2, oo ay hogaanka ku heyso Red Devils, inkastoo Burnley ay soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.

Qeybta labaad ayaa la isku soo laabtay iyadoo labada kooxood ay halkoodii kasii wadeen dadaalka ay ku doonayeen iney mid walbaahi guuleysato.

HALIS! Paul Pogba ayaa sameeyay isku day markii uu kubad ka toogtay banaanka xerada ganaaxa, balse goolhaye Tom Heaton ayaa si aan caadi aheyn uga badbaadiyay.

Labada kooxood ayaa sameeyay isku dayo ay gool ku raadinayaan, balse ma suuragalin iyadoo ugu dambeyntii natiijada ciyaarta ay noqotay mid kusoo dhamaatay 2-0.

Natiijadaan ayaa ka dhigtay in Manchester City ay xajisato booska 5-aad ee horyaalka iyadoo leh 63-dhibcood waxeyna 1-dhibic ka hooseyaan Manchester City.

Guushaan waxey si fiican uga fogeysay kaalinta 6-aad oo ay ku qarash gareysay kooxda in ka badan boosaska kale.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply