DHAGEYSO: Taliye Cali Gaab oo ka hadlay qaabab cusub oo ay u shaqeyn doonaan Ciidamada Taraafikada.

Taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka Muqdisho, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay inay tayeyn doonaan hawlaha shaqo ee ciidamada ilaalada wadooyinka Gobolka Banaadir.

Jen, Cali Gaab wuxuu sheegay in ay bixin doonaan lambarro iyo taatikooyin hor leh oo ay ku shaqeyn doonaan Ciidamada ilaalada wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa la dardaarmay ciidamada ilaalada wadooyinka ee ku hawlan kala hagista gaadiidka kuwaasi oo har iyo habeen u taagan shaqada ay u hayaan Qaranka.

DHAGEYSO CODKA TALIYE CALI GAAB.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply