DHAGEYSO:- Madaxweyne Farmaajo oo shacabka ka dalbaday in ay dawladiisa u sabraan oo ay garab istaagaan

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in loo sabro dawladda isla markaana lala shaqeeyo Dawladda.

Wuxuu Madaxweynuhu sheegay in aysan kaligood shaqeyn karin oo ay u baahan yihiin taageerada shacabka, isagoona balan qaaday afarta sano ee soo socota waxqabad wanaagsan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay u baahan yihiin gacan siin ka timaada shacabka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo qeybaha bulshada oo dhan, isagoona sheegay in aan wax laga sugin kaliya wasiirada.

DHAGEYSO CODKA MADAXWEYNAHA.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply