DHAGEYSO:- Gudoomiyaha Deegaanka Leego af lagaado xoogan ugeystay Idaacadaha ka howlgala Soomaliya

Abuukar C/laahi Isxaaq (Alcadaala) gudoomiyaha deegaanka Leego ee gobolka Sh/hoose ayaa aflagaado xoogan ugeystay guud ahaan Idaacadaha kahowlgala Soomaaliya isagoona ku tilmaamay dukaan ay cid walba ka adeegato.

Gudoomiyaha deegaanka Leego ayaa dhanka kale Idaacadaha ku eedeeyay ianaysan wararka hubsan oo ay wareysi layeeshaan dad aan xogba haynin.

Aflagaadada uu gudoomiyaha deegaanka Leego ugeystay Idaacadaha Soomaalida ayaa timid kadib markii qaar kamida Idaacadaha ay baahiyeen warar sheegaya in laweeraray Saldhigyada ay ciidamada Amisom kuleeyihiin deegaanka Leego.

DHAGEYSO GUDOOMIYAHA LEEGO.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply