Arsenal Oo Finalka FA Cupka Balan Kaga Samaysatay Chelsea, Alexis Sanchez Oo Waqtigii Dheeriga Ahaa Ee Wembley Stadium Guul Ku Hogaamiyay Gunners Iyo Sky Blues Oo Tartankan Laga Cidhibtiray.

Arsenal ayaa u soo baxday finalka FA Cupka kadib markii ay guul soo laabasho ah waqtigii dheeriga ahaa kaga gaadhay Manchester City oo gool ku hormartay. Sergio Aguero ayaa kooxdiisa City hogaanka ugu dhiibay goolka furitaanka laakiin Monreal ayaa goolkan barbareeyay balse waqtigii dheeriga ahaa ee kulankii Wembley Stadium ayuu Alexis Sanchez kooxdiisa Gunners u dhaliyay goolka guusha ee ay ugu soo baxday finalka FA Cupka.

Arsenal ayaa markale Wembley Stadium balan kaga samaysatay kooxda ay London ka wada dhisan yihiin ee Chelsea oo iyaduna xalay Tottenham ka guulaysatay. Arsenal oo doonaysa in ay markii 13 aad ku guulaysato koobka FA Cupka ayaa taariikh cusub dhigi karta iyada oo noqon karta kooxda ugu badan ee koobkan ku guulaysatay.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Arsenal XI (3-4-2-1): Cech; Gabriel, Koscielny, Holding; Oxlade-Chamberlain, Ramsey, Xhaka, Monreal; Ozil, Sanchez; Giroud.

Kaydka: Martinez, Gibbs, Bellerin, Coquelin, Iwobi, Walcott, Welbeck.

Manchester City XI (4-2-3-1): Bravo; Navas, Kompany, Otamendi, Clichy; Toure, Fernandinho; De Bruyne, Silva, Sane; Aguero.

Kaydka:Caballero, Zabaleta, Kolarov, Fernando, Delph, Sterling, Iheanacho.

Kulanka Manchester City iyo Arsenal ayaa si wayn uga duwanaa kulankii xalay Wembley Stadium ku dhex maray kooxaha Chelsea iyo Tottenham wuxuuna kulanka City iyo Gunners uu ahaa mid aan xamaasad badan lahayn isla markaana ay sidoo kale garsoorku u muuqdeen in ay bixiyaan go’aano adag oo ciyaarta saamayn ku yeelan lahaa.

Manchester City ayaa qaybtii hore ee kulankan inta ugu badan ahayd kooxda kubbada haysata isla markaana fursadaha ugu badan abuuraysay laakiin sidoo kale Arsenal oo kulankan ku ciyaaraysay qaab difaacasho u badan ayaa fursadaha ugu fiican ku abuurtay kubbada laaga xorta ah laakiin waxay labada kooxood u muuqdeen kuwo taxadar badan samaynayay.

DAQIIQADII 22 GOOO…? Koscielny ayaa umuuqday in uu Arsenal udhaliyay goolka furitaanka laakiin calanwadaha ayaa si sax ah u tilmaamay in xidiga ree France uu offside ku jiray waxayna ciyaartu sii ahaatay gool la’aan ay isku mari laayihiin.

Wixii fariin ah waxaad Radio Gaalkacyo ugu soo haggaajin kartaa Ciwaanka:- codadka@gmail.com, Nagala soo xiriir Telfoonada kala ah +2525853330, +252907795004,

Leave a Reply